Dadka ku nool waqooyiga magaalada Hargeysa ayaa dhigay, dibadbax ay kaga soo horjeedaan maamulka degmada Daaru-salaam ee magaaladaasi iyo shirkad uu maamulku wato oo halkaasi ka qodda macdanta iyo dahabka.
Banaanbax oo ahaa mid looga soo horjeeday maamulka degmada Daaru-salaam ee magaalada Hargeysa iyo shirkad uu wato oo halkaasi Macdanta iyo Dahabka ka qodda, ayaa waxaa dhigay dadka ku nool degmada iyo xoogsato deegaanka ah oo ka shaqeysanjiray, qodista macdanta iyo Dahabka.
Dadka oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay dhibaatooyin kala duwan oo ay ku qabaan gudoomiyaha degmada iyo shirad lagu magacaabo Carro-maal oo uu isagu wato.
Rag dhaawac ah oo kamid ah xoogsatada degaanka, ayey warbaahinta hor keeneen oo ay rasaas la dhaceen, askar katirsan kuwa maamulka la baxay Soomaaliland.
Waxay intaasi ku dareen in qaar kale la xiray, kuwana ay duurka ku jiraan, waxayna arrimahaasi oo dhan dusha kaga tuureen, sheegeenna inuu ka dambeeyo gudoomiyaha degmada.
Waxay gebi ahaanba kasoo horjeesteen gudoomiyaah demada, oo ay cod-dheer ku sheegeen in laga wado oo aysan rabin.