Degmada Maxaas oo katirsan gobalka Hiiraan ayaa lasoo sheegayaa in xalay illaa iyo maanta ay degmadaasi ka taaagan tahay, xiisad Xiisad udhexeysa maleeshiyaadka Macawiisleyda iyo maamulka degmadaas.
Maleeshiyaadka Macawiisleyda ayaa diiday in degmada Maxaas uu soo gaaro Cali Guudlaawe oo ah madaxweynaha maamulka la baxay Hirshabeelle, taas oo keentay in xiisad dagaal ay ka dhex qaraxdo maamulka degmada iyo maleeshiyaadka Macawiisleyda.
Dadka ku dhaqan degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan ayaa soo sheegaya in xaalad kacsanaan ah ka jirto magaalada, waxaana lasoo warinayaa suurtagalnimada in uu baaqdo safarka uu Cali Guudlaawe ku tagi lahaa Maxaas.
Madaxweynaha Hirshabeelle oo hadda ku sugan degaanka Moqori oo katirsan gobalka Hiiraan ayuu qorshuhu ahaa inuu saacado kadib gaaro Maxaas, balse waxaa arrinkaasi kasoo horjeestay maleeshiyaadka Macawiisleyda.
Gobalka Hiiraan ayaa waxaa ka jira maaamullo is diidan iyo maleeshiyaadka Macawiisleyda, kuwaas oo degmooyinka ugu waaweyn ee gobalka dhaxal siiyay amni darro baahsan, haba ugu darnaatee magaalada Baladweyne oo ah xarunta gobalka, taas oo ay ciidamadu iyo maleeshiyaadkuba ka geysanayaan dilal iyo dhac ka dhan ah dadka ku dhaqan magaaladaas.