Isagoo waraysi siinayay barnaamijka Dhuuxa Waraysiyada oo ka baxa idaacadda Al-Furqaan, ayuu xillibaan Cabdi Samad Macallin Maxmuud wuxuu tilmaamay in Dowladda Federaalka ay ku fashilantay Siyaasadda iyo dagaalka ka dhanka ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Wuxuu tilmaamay iney soo badatay cabashida ka imaaneysa shacabka ee la xiriirta Dowladda Federaalka, wadada iminka lagu socdana aaney ahayn mid saxan, sida uu hadalka u dhigay.
Mar uu ka jawaabayay su’aalo laga weydiiyay arimaha dagaalka, wuxuu xillibaan Cabdi Samad sheegay in qaabka loo wajahay dagaalkaas ee loo galay uu ahaa mid aan sax ahayn.