Mustaf Dhuxulow oo ah Xildhibaan katirsan dowladda fedaraalka ayaa ka shaaca ka qaaday, in dowladda fedaraalka ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh ay ka adkaan weysay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Waxa uu sheegay in muddo 2 sano ah oo ay dowladda fedaraalka dagaal kula jirtay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay illaa iyo hadda ka adkaan la’dahay.
Weerar afka ah ayuu ku qaaday Xasan Sheekh madaxweynaha dowladda fedaraalka, isagoona dhaleeceeyay siyaasadda uu ku wajahay dagaalka, wuxuuna tilmaamay in hal qof oo go’aan iska qaatay uusan waxba katari karin Al-Shabaab.
Waxa uu geesta kale tibaaxay in maleeshiyaadka Macawiisleyda ee ay ay dagaal gelisay Dowladda Federaalka aysan waxba tareynin, ayna yihiin maleeshiyaad aan wax sharci ah heysan, sidaasi darteedna ay ku noqdeen kuwa macno la’aan ah oo aan wax faa’iido ah laheyn.