Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ee jooga qeybo kamid ah dalka Yaman, ayaa weerar la beegsaday marab shixnad ku dejiyay dekadda magaalada Berbera ee dhacda waqooyiga Soomaaliya, kaasoo la sheegay inuu urarnaa Dowladda Itoobiya.
Marabkan oo magaciisa lagu sheegay MV Lobivia, ayaa la sheegay inuu markii hore ka yimid dalka Singapore ee qaaradda Aasiya, waxayna weerareen xuuthiyiintu isagoo ka laabtay Berbera, islamarkaana marayay Gacanka-Cameed.
Kooxda Xuuthiyiinta ayaa sheegay in sababta markabkan ay ubeegsadeen ay tahay inuu leeyahay ganacsade Yahuudi ah.
Waxay wararku intaas ku darayaan in markabka uu dib ugu soo laabtay dekadda Berbera, isagoo ay ka muuqato waxyeelo kasoo gaartay weerarkii ay labeegseen Xuuthiyiinta.
Weerarkan ayaa kusoo aadaya, iyadoo labo habeen kahor dekadda magaalada Al-Xudeyda ee dalka Yaman uu ka dhacay, weerarka dhanka cirka ah oo ay Yahduuddu fuliyeen.