Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam wal Muslimiin, ayaa fuliyay mid kamid ah weeraradii ugu cuslaa ee lagu beegsado ciidanka milliteriga Burkina Faso, kaasoo dhaliyay khasaare baaxad leh.
Guuto katirsan ciidamada Nusratul Islaam wal Muslimiin, ayaa weeraro dhabogal ah waxay u dhigtay kolonyo katirsan ciidankaa milliteriga Burkina Faso, kaasoo ku safrayay inta u dhexeysa deegaannada Faada iyo Bongo ee wadanka Burkina Faso.
Bayaan ku qoran luuqadda Carabiga oo ay soo saartay mu’assasada Az-Zallaaqa ee ku hadasha afka Nusratul Islaam wal Muslimiin, ayaa lagu sheegay in weerarka kamiinka oo ahaa mid aad loo qorsheeyey, uu geystay khasaarihii ugu ballaarnaa ee gaara ciidanka Burkina Faso.
Nusratul Islaam wal Muslimiin, waxay shaaca ka qaaday iney geeri ku hubsadeen ugu yaraan 140 askari oo katirsan milliteriga Burkina Faso, halka saanadihii milliteri iyo gawaaridii dagaal ee ay wateen ciidankaas noqdeen kuwa la burburiyo iyo kuwa iyagoo badqaba ay gacanta ku dhigaan ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam wal Muslimiin.
Sida lagu sheegay bayaanka, waxaa weerarka lagu burburiyay ugu yaraan 116 gaari, oo ay ku jiraan 7 nooca gaashaman ah, halka Nusratul Islaam wal Muslimiin gacanta ku dhigtay ugu yaraan 16 gaari, iyo boqollaal isuga jira qoriyaasha lidka diyaaradaha, kuwa daran dooriga u dhaca iyo kuwa fudud.
38 BKM, 70 AK, 6 Dhashiike, 21 RBG, iyo 400 oo sanduuq oo ay rasaasta noocyadeeda kala duwan ku jirto, ayay ciidamada Mujaahidiinta kusoo furteen howlgalkan kamiinka ah ee weli hadal heyntiisu ka taagantahay galbeedka Afrika iyo meelo badan oo kamid ah caalamka.
Bayaanka Az-Zallaaqa kasoo baxay waxaa lagu sheegay, in weerarku aargud u ahaa muslimiinta ku nool wadamada Maali, Burkina Faso iyo Niger, kuwaasoo waayadii u dambeysay la kulmayay weeraro gumaad ah oo uga imaanayay ciidamada milliteriga ee wadamadaas saddexda ah.
Nusratul Islaam wal Muslimiin, waxay bayaanka ay soo saartay ku lifaaqday sawirro laga soo qaaday saanadaha hubka ah ee ay gacanta ku dhigtay.