Wararka ka imaanaya dalka Yeman ayaa ku waramaya, in daadad ka dhacay roobab xooggan oo dalkaasi ka da’ay ay ku naf waayeen ugu yaraan 60 ruux.
Waxaa daadadka lagu la’yahay dad kor udhaafaya 10 ruux kuwaas oo ay biyuhu la tageen.
Dabayaaqadii bishii July ee lasoo dhaafay ayay aheyd markii daadad sidaan oo kale ugu fatahay dalka Yeman ay ku dhinteen 36 ruux.
Dalka Yeman ayaa waxaa ka jira colaado dhinacyo kala duwan udhexeeya, waxaana colaadahaasi ay sababeen dhimashada iyo dhaawaca kumannaan ruux oo dad ah.
Waxaa intaa dheer in malaayiin ruux oo Yamaniyiin ah ay ku barakaceen dagaallada, kuwaas oo wajahaya xaalado adag.
Iyadoo ay taasi jirto ayaa waxaa dadka ugu darsoomay musooyinka rabbaaniga ah, kuwaas oo iyagana gallaaftay nolosha dad badan.