Warbaahinta dalka Faransiiska ayaa tabisay in gudaha wadankaas lagu xiray, aas-aasaha shirkadda Telegram, oo kamid ah baraha bulshada ee lagu wada xiriiro, fariimaha kala duwanna lagu baahiyo.
Baafiil Dooroof, oo ah aas-aasaha Telegram, ayaa gelinkii dambe ee maalintii shalay oo Sabti ahayd, waxaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska.
Sida ay sheegayaan warbaahinta Faransiiska, ciidamada ammaanka ee garoonka Paris ayaa gacanta ku dhigay ninkan oo xilligaas kasoo degay diyaaradda uu gaarka u leeyahay oo soo caga dhigatay garoonka.
Baafiil Daroof, ayaa dowladd Faransiiska iyo guud ahaan dowladaha Yurub, waxay ku eedeeyeen inuusan xilka iska saarin waxyaabaha la isku dhaafsado barta uu isagu leeyahay, horeyna u diiday inuu la shaqeeyo laamaha amniga ee Yurub, sida warka loo dhigay.
Ninkan oo heysta dhalashooyinka Faransiiska iyo Ruushka, ayaa maanta lasoo taagi doonaa maxkamad ku taalla dalka Faransiiska, waxaana suurogal ah in loo jeediyo eedeymo ay kamid tahay argagaxisnimo, ka ganacsiga maandooriyaha iyo eedeymo kale, taasoo keeni karta in lagu xukumo xabsi dhan 20 sano.
Dowladda Ruushka, waxay dhankeeda war ay soo saartay ku shaacisay iney ka war heyso qabashada aas-aasaha Telegram, ayna qaadey tallaabooyin deg-deg ah, maadaama ninka la xiray uu heysto dhalashada dalkeeda.