Shirkadda Korontada ee dalka Lubnaan, ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay in guud ahaan dalka Lubnaan ay ka go’een adeega Korontada, dadkuna ay ku jiraan xaalad mugdi ah.
Bayaan kasoo baxay shirkadda Korontada Lubnaan, waxaa lagu sheegay in warshaddii ugu dambeysay ee adeega korontada siineysay dalka oo lagu magacaabo Az-Zahraani ay dantay, kadib markii uu ka dhamaaday shidaalkii loo isticmaali lahaa koronto dhalinta.
Guud ahaan dalka Lubnaan, si gaar ah goobaha muhiimka ah oo ay kamid yihiin garoonka diyaaradaha ee magaalada Bayruut, goobaha caafimaadka iyo xarumaha ganacsiga ayaa koronto la’aan ah.
Sanadihii ugu dambeeyay dalka Lubnaan, waxaa kusoo noq noqonayay go’itaanka adeega korontada, waxaana ugu wacan iyadoo dowladda Lubnaan ay mareyso xaalad maaliyadeed oo culus, oo ku timid musuq-maasuqa madaxda talada heysa.