HomeAll newsAl-Qaacidada Jaziiratul Carab oo Ka Tacsiyeysay Hogaamiye Lagu Dilay Suuriya.

Al-Qaacidada Jaziiratul Carab oo Ka Tacsiyeysay Hogaamiye Lagu Dilay Suuriya.

Mu’assasada warbaahineed ee Al-Malaaxim, oo ku hadasha afka mujaahidiinta Al-Qaacida ee Jaziiratul Carab, ayaa baahisay bayaan kasoo baxay mujaahidiinta, kaasoo looga tacsiyeeyey duqeyn diyaaradeed oo uu Maraykanku dhawaan ka fuliyay dalka Suuriya, taasoo uu ku dilay hogaamiye katirsan jamaacada Xurraasu-diin.

Horudhac kadib waxaa bayaanka lagu yiri “ Umadda Islaamka, waxaan uga tacsiyyeneynaa istish-haadka sheekha muhaajirka ee mujaahidka ahaa, Abii Cabdi-Raxmaan Al-Makky- Raximahullah- kaasoo shahiiday maalintii Jimcaha, 19-ka Safar 1446-da. Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeyneynaa ehelkiisa iyo mujaahidiinta ku nool dhulka Shaam, waxaana leenahay sabra oo ixtisaabsada, wa Innaa Lillaahi Wa innaa Ileyhi Raajicuun” ayaa lagu yiri bayaanka taczida ah ee kasoo baxay AlQaacidada Jaziiratul Carab.

“ Wuxuu sheekhu cilmigiisa raaciyay camal, 11 sano ayuuna Allaah dartii u jihaadayay, isagoo dadka wax baraya, towjihiinaya islamarkaana u naseexeynaya, wuxuuna allibay rasaa’il dhowr ah, oo ka tarjumeysa sida uu ugu dadaalayay in Jihaadka lagu jaan gooyo kitaabka iyo sunnaha. Alle ha u naxriiste wuxuu ku sabray culeesyada Jihaadka, illaa ugu dambeyntii Alle doortay, Naxsabuhu kadaalika Walaa Nuzakii Cala-llaahi Axada” ayaa lasii raaciyay bayaanka taczida ah ee ay baahisay Al-Malaaxim.

Bayaanka Al-Malaaxim, waxaa lagu sheegay in Maryakanku beegsaday sheikh Abii Cabdi-Raxmaan Al-Makky, xilli uu sii kordhinayo taageerada uu siinayo Sahaayinda dilka iyo gumaadka ku heysa muslimiinta Qazza, ujeedka iyo hadafka Maraykankuna yahay mid cad oo qof weliba oo fahmi kara, kaaasoo ah in la laayo Mujaahidiinta iyo hogaankooda, si ay ugu suuragasho in si dhib yar ay u dulleystaan muslimiinta.

“ Maadaama mujaahidiintu yihiin badbaadiyaasha umadda, culimaduna waxay ka dhiganyihiin badbaadiyaasha mujaahidiinta, in culimadu dhex joogaan Mujaahidiinta waa arin lama huraan ah, si ay u fahamsiiyaan diintooda, toosnaantoodana u dhowraan, si aaney u dhicin in Mujaahidiintu ay u weecdaan dhabayaasha Ghuluwiga iyo Irjaaga, istish-haadka sheikh Abii Cabdi-Raxmaan ayaana ka tagaya firaaq aan la buuxin karin, in culimada ay soo hijroodaan mooye, oo ay Mujaahidiinta la qeybsadaan duruufaha kala duwan ee nolosha Jihaadka” ayaa lasii raaciyay bayaanka taczida ah ee ay baahisay mu’assasada warbaahineed ee Al-Malaaxim, oo ku hadasha afka mujaahidiinta AlQaacida ee dhulka Jaziiratul Carab.

Gebo-gebadii waxaa bayaanka lagu yiri “ ma hilmaameyno inaan dhacdadan uga faa’ideysanno inaan xusuusinno Mujaahidiinta ku sugan Shaam, gallada uu Allaah ugu deeqay, oo ah inuu ku kulmiyay dhul uu Allaah kafaalo qaaday, marka waa iney ballanta ku sugnaadaan, Jihaadkana sii wadaan, dhexdoodana heshiiyaan, cadowgu wuu noo mideysanyahay, anaguna waa inaan u midownaa dhamaanteena, illaa uu Allaah guusha naga guuleynayo gaalada”.

Dhawaan ayay ahayd markii duqeyn diyaaradeed oo uu Maraykanku ka fuliyay gobolka Idlib ee wuqooyiga Suuriya, u uku dilay sheikh Abii Cabdi-Raxmaan Al-Makky, oo kamid ahaa culimada mujaahidiinta Shaam, kana tirsanaa jamaacada Xurraasu-diin.

Sheikh Abii Cabdi-Raxmaan Al-Makky, ayaa kasoo jeeda dhulka Xarameynka, gaar ahaan magaalada Makkah, wuxuuna Jihaadka Shaam soo haleeleyey billowgiisa, isagoona kamid ahaa culimada cilmigooda ku camal fala, ee aadka looga qadariyo mujaahidiinta dhexdooda.

Mu’assasada Shaamu Ribaad, oo ku hadasha afka jamaacada Xurraasu-diin, ayaa bayaaan ay baahisay waxay ku xaqiijisay in sheikh Abii Cabdi-Raxmaan Al-Makky lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo uu Maraykanku ka fuliyay gobolka Idlib.

“ Quluub Mu’minad ah oo raalli ku ah qadaha Allaah iyo qadartiisa, ayaanu kula kulannay warka la xiriira istish-haadka sheekha ah caalimka, zaahidka, mujaahidka iyo saabirka ee Abii Cabdi-Raxmaan Al-Makky- Raximahullaah. Warkan wuxuu ahaa mid nagu culus oo qaraar ah, laakiin waxaa culeeska naga yareeyay waa in sheekhu gaaray wixii uu tobansaanlayaal badan u xusul duubayay, isagoo ah daaci, muslix iyo mujaahid. Faraskiisuna kama degin sheekha illaa inuu raaco mooye kolonyada Shuhadada, Anbiyada iyo Saalixiinta” ayaa lagu yiri bayaanka ay kol sii horeysay Shaamu Ribaad.

Jamaacada Xurraasu-diin, waxay sheegtay in dilka hogaamiyaasheeda uu Maraykanku u geysananyo aanu u horseedi doonin iney ka weecdaan dhabaha ay hayaan.

“ Gebo-gebadii, waxaan halkan ku cusbooneysiineynaa ballanta ah inaan ku sugnaano dhabbaha ay qaadeen kuwa uu Alle doortay zamakan, ee umadda ku dhex nooleeyey manhajka Salafka, camal, oraah, caqiido, dacwo iyo Jihaad, sidaasina ku nqoday A’immo hanuunsan. Waxaan Allaah weydiisaneynaa inuu Mujaahidiinta u fududeeyo iney u aaraan dhiiga mujaahidiinta iyo hogaankooda” ayaa lagu yiri bayaanka Shaamu Ribaad.

Dowladda Maraykanka ayaa dhankeeda ku faantay dilka sheikh Abii Cabdi-Raxmaan Al-Makky, waxaana bayaan kasoo baxay taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka lagu sheegay in hogaamiyahan uu ahaa shakhsi firfircoon oo kujiray abaabul ka dhan ah masaalixda Maraykanka ee gobolka.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular