HomeAll newsAl-Shabaab oo Toogtay Ninkii Dilay Suldaankii Beesha Hadame.

Al-Shabaab oo Toogtay Ninkii Dilay Suldaankii Beesha Hadame.

Wararka ka naga soo gaaraya gobalka Bakool ayaa ku waramaya, in howlgal qorsheysan oo ka dhacay gobalkaasi lagu khaarijiyay nin si weyn loogu raad joogay.

Maxamed Mukhtaar Nuur (Beeso Jecel) oo ah xubin katirsan dowladda fedaraalka oo ay si weyn ugu raad joogteen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta lagu dilay, howlgal qorsheysan oo ka dhacay afaafka hore ee degmada Xudur ee gobalka Bakool.

Ninkaan la dilay ayaa lasoo warinayaa inuu ahaa kii dilay Sulaandkii guud ee beesha Hadame Suldaan Cabullaahi Maxamed Yare, kaas oo Saddex Bilood ka hor ku lagu dilay deegaanka Garasweyne ee hoostaga degmada Xudur.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay sidoo kale ninkaan ka furteen qorigii iyo booshkii uu ku hubeysnaa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular