Waxaa Khadka teleefanka ku wada hadlay Cabdil Fataax Al-Burhaan oo ah hogaamiyaha milliteriga Suudaan, iyo Antony Blinken oo ah wasiirka arimaha dibadda Maraykanka, kuwaasoo ka wada hadlay dagaalka Suudaan.
Blinkin ayaa milliteriga Suudaan ku cadaadinaya iney ka qeybgalaan wadahadllada ka furmaya dalka Swizerland, oo la doonayo in lagu dhex-dhexaadiyo milliteriga Suudaan iyo malleeshiyaadka Ad-Dacmu Sariic.
Al-Burhaan ayaa tilmaamay in Blinkin uu ku wargeliyay iney muhiim tahay, kahor inta aaney ka qeybgelin wadahadallada, in malleeeshiyaadka RSF ay go’doominta ka qaadaan magaalada Al-Faashir, ogolaadaanna in kaalmada banii aadamnimo la gaarsiiyo dadka tabaaleysan, sida uu warka u dhigay.
Wuxuu sidoo kale Al-Burhaan sheegay iney shardi ka dhigeen in marka hore la fuliyo baaqii kasoo baxay kulankii magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga.
Dhanka kale afhayeen u hadlay wasaaradda arimaha dibadda ee Maraykanka, ayaa sheegay in Blinkin uu kala hadlay Al-Burhaan sidii loo soo afjari lahaa colaadda Suudaan, milliteriguna ay qeyb uga noqon lahaayeen raadinta xalka, sida uu warka u dhigay.
Reer galbeedka oo ay furimo badan kusoo furmeen, xaalado adag oo jiritaankooda la xiriirana wajahaya, ayaa doonaya iney iska kala yareeyaan culeesyada ku furan, waxaana sida muuqata ay hadda doonayaan in milliteriga Suudaan iyo RSF ay heshiisiiyaan, si ay uga gacan bannaanadaan xaaladda ka taagan mandiqadda loogu yeero Bariga-dhexe.