Askar katirsan dowladda fedaraalka oo gadood sameeyay ayaa waxa ay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan degaan katirsan gobalka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.
Ciidankaan oo si gaar ah kaga katirsan guutada 15aad ee qaybta 21aad ee dowladda fedaraalka, ayaa waxa ay dhawaan safar dhulka ah uga baxeen magaalada Muqdisho.
Waxa ay gaareen degaanka Huurshe oo katirsan Galgaduud, halkaas oo ay iminka dhaqdhaaqyo ka wadaan kadib markii mushaarka laga jartay.
Waxa uu tababar uga socday Xerada Jeneraal Gordan, iyagoona kol sii horreysay lagu amray iney hubkood la yimaadaan haddii kale mushaarka laga jaran doono, taas oo ugu dambeyn keentay in mushaarka lag jaro.