HomeAll newsAskar katirsan Maamulka Jubbaland Oo Lagu Toogtay Fagaare ku Yaala Kamsuuma.

Askar katirsan Maamulka Jubbaland Oo Lagu Toogtay Fagaare ku Yaala Kamsuuma.

Fagaare ku yaala degmada Kamsuuma ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxaa maanta lagu toogtay saddex ruux oo katirsanaa maamulka labaxay Jubbaland.

Maxkamadda ku dhaqanka Shareecada Islaamka, ayaa xukun dil toogasho ah ku riday kuna fulisay ragga kala ah: Saciid Cabdow Yuusuf, 26 sano jir ah, kana mid ahaa ciidanka nabadsugidda maamulka Jubbaland, iyo Maxmaad Cabdi Xasan, 38 sano jir, oo kamid ahaa askarta maamulka Jubbaland ee duullaanka ku qaaday Buulo-Xaaji iyo Cabdi Cumar Maxamed, 18 sano jir, oo katirsanaa booliiska maamulka Jubbaland.

Dadka ku dhaqan degmada Kamuusa, ayaa isugu yimid fagaaraha uu xukunka ka dhacay, kuwaasoo uso daawasho tagay fulinta xukunkan xadka ah.

Halkan ka dhagayso Xukunka dilka ah ee ka dhacay Kamsuuma

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular