Waxaa tafaasiil dheeraad ah laga helayaa dil habeenkii xalay xalay ka dhacay degmada Wadjir ee magaalada Muqdisho.
Askar ku wada qayikeysay degmada Wadajir ayaa waxaa midkood uu rasaas ku furay ciidankii kale, taas oo sababtay in uu halkaasi ku dhinto hal askari.
Lama oga sababta uu dilka u geystay, waxaana islamarkiiba gacanta ku dhigay ciidankii kale ee ay goobta iskula sugnaayeen.
Dhacdooyinka nuucaan ayaa ku badan ciidamada DF dhaxdooda, iyagoo isku dila waxyaabo aan micno laheyn.