Afhayeenka boliska dowladda fedaraalka Cabdifataax Aadan Xasan ayaa shaaca ka qaaday, in xaalad takoor ah ay wajahayaan ciidamdooda uqaabilsan eeyaha waxbaara.
Waxa uu sheegay in askartaasi laga furay xaasaskooda, islamarkaaana ay deyriyeen ehellahooda.
Tallabadaas ayuu sheegay in loo sababeeyay howsha ay ku jiraan oo ah mid liidata, islamarkaana aysan dadku raalli ka aheyn, isagoona sheegay in haddi ay eeyaha soo badiyaan aysan heysan cid ay utabaraan.