Dhawaan maamulka la baxay Somaliland ayaa waxa uu ciidamado gaaraya 2,500 oo askari waxa uu udiray dalka Itoobiya, si ay halkaasi tabarro ugu soo qaataan.
Ciidankii halkaaasi la geeyay ayaa lasoo warinayaa in Xabashida ay kala kulmeen dhibaatooyin kala duwan, qaar koodna dib loo soo celiyay.
70 Kamid ah askartaas ayaa waxa ay sheegeen, in saraakiisha Xabashida ay kala kulmeen jirdil iyo xad gudubyo kale, islamarkaana laga soo reebtay mobilladooda iyo agabyadii kale ee ay wateen.
Qaarkood ayaa waxa ay sheegeen in ay lug kaga soo baxeen Itoobiya, kadib markii si foolxun loola dhaqmay, saraakiisha Itoobiyaanka ah ayayna sheegeen in rasaas ay oodda kaga qaadeen.
Halkan ka dhagayso cabashada ciidamada maamulka Soomaaliland.