Ahmiyadda uu iclaamku leeyahay zaman kasta iyo meel waliba waxa ay ku xiran tahay muhiimadda howsha uu qabanayo ee ah towjiihinta ra’yu caamka dadka, waxyaabaha ku dhacaya iyo axdaathta ku hareereesan, howshiisuna waa ay ka ballaarantahay intaas oo waxa uuba sameyn araa aragti, suurad iyo in badan oo dhacdooyin ah xilliyada qaar, iyadoo laga leeyahay dano iyo ahdaaf ka dambeysa howsha uu qabanayo.
Maadaama saameynta iclaamka ay noqotay mid weyn, natiijo wax ku ool ahna uu ku dhex leeyahay mujtamacadaadka, waxa ay dowladaha sheegta quwadaha caalamka tan iyo soo ifbixii warbaahinta illaa iyo maanta is tuseen iney lagama maarmaan tahay iney gacanta ku dhigaan, fakar ahaan iyo dhaqaale ahaan intaba, ayna la wareegaan iclaamka mujtamaca dariska la ah, si gaar ah kuwa cadowga ku ah, kuwa kasoo horjeeda, oo ay sii dheer tahay kuwa ay dagaalka kula jiraan.
Balse iclaamka mujtamaca islaamiga ah ayaa ahaa kan sida weyn ubeegsanayay kuwa kale, sababo ku aaddaan Yahuudda oo dhinac kala wareegay warbaahinta, maadaama ay Muslimiinta kala dhaxeeyaan loolanno kala duwan, iyo daanta kale oo ah iyadoo bulshada muslimka ah lala doonayay in laga leexiyo diintooda iyo dadnimadooda,a laguna dhex baahiyo thaqaafada reer-galbeedka.
Reer-galbeedka iyo Yahuudda ayaa waxa ay xaqiijiyeen ahdaaftii ay usacyinayeen, iyagoo la wareegay badi warbaahinta nuucyadeeda kala duwan ee ka howlgasha wadamada Islaamka, warbaahinta reer-galbeedka ayaana noqotay mida hagta isbadaladda cilmaaniyadda iyo libriyaaliyadda ee lagu dhagray Muslimiinta, ama hay’adaha iyo nidaamyada dawliga ah ee qaatay hababka reer galbeedka, iyo lagu qasbay inay qaataan.
Qanawaadka reer galbeedka ayaa waxa ay fasaad iyo saameyn xun ku yeesheen fikradaha iyo hab-dhaqanka mujtamaca Muslimka ah ah, waxaana lagu dhex baahiyay Jaraa’idyo, Majalladaad, TV-yo, baro internet iyo wax waliba oo lagu fasahaadin karo bulshada, waxa ayna dhammaantood xoogga saarayeen sidii ay umadda uga weecin lahaayeen manhadjka toosan ee ay heystaan.
Maadaamada ay Yahuudda iyo reer-gabeedka sidaasi ahmiyadda ugu siiyeen la wareegitaanka iclaamka si ay uqabsadaan umadda, waxaa lama huraan noqotay in la ogaado qorshayaashooda dhageysan si loo boriyo loogana hartago, ka Muslimiin ahaanna aan noqon kuwa ka caawiya meel marinta dhagarahaas lagu baabi’inayo dhulalka Islaamka.
Waxaan warbixintaan kusoo gudbin doonnaa islamarkaana ku cadeyn doonnaa astaamaha wabaahinta wax dumisa ee reer-galbeedka, innaagoo soo qaadaneyno tusoolooyin mucaasir ah, maamada lawada ogyahay in dagaalka warbaahineed ee u dhexeeya shucuubta Islaamka iyo cadawgoodu uu leeyahay hal weji, yoolka ugu weyn ee ay tiigsanayaanna uu yahay duminta islaamka iyo iney dhidibada u aasaan majaahij nololeed hooseysa, mid waliba ah oo kamid ah dhagarahaas ay soo maleegeen ayaana u laabanaysa xaqiiqada dhabta ah ee dagaalka manhaji ee udhexeeya islaamka iyo cadowgiisa.
Astaamaha Warbaahinta Reer galbeedka iyo kuwa fuliya Ajandayaashooda waxaa kamid ah suurad xumenta madaahirta Muslimiinta.
Waxa ay suurad foolxun ka bixiyaan culimada, ducaadadda iyo Mujaahidiinta kuwaas oo in badan aqoon buuxda ku dhex leh umadda Muslimka ah, maadaama ay dhulalka Muslimiinta ka dhex noqdeen astaamo islaami ah, waxa ay reer galbeedku xoogga saareen suured xumeyntooda, iyagoo adeegsanaya fataawi iyo dacaayado ay ku durayaan, ama ay ku jeesjeesayaan si ay dhulka ula galaan heybadooda iyo makaanada dacwadeed ee ay ku dhex leeyihiin mujtamaca, sidaba ay sameeyeen qaar kamid ah warbaahinta maanta jirta.
Dhiirragalinta astaamaha bidcada iyo manaahijta faasidka ah, iyadoo dadka laga dhigayo kuwa qunyar socod ah loona huwinayo libaaska fakarka iyo caqliga sidaba ay qanawaadka qaar ku sameeyeen Jamaal Al-Bannaa oo inkirsan Sunnada nabiga Sallallaahu Caleyhi Wasallam, iyo kuwa kale oo dhiirra galiya ducaadda sheegata islaamnimada ee cilmaaniyadda faafiya, kuwaas oo had iyo jeer gacan ka geysta burburnta Islaamka, una adeega qorshayaasha cadowgiisa
Buunbuuninta khilaafaadka ka dhexeeya ducaadda, xittaa haddii ay yihiin kuwa salka ku haya daliil sharci ah, hadafka ay arrintaan ka leeyihiin ayaana ah sidii ay ishaacaad ugu dhex furi lahaayeen culimada iyo ducaadda Muslimiinta, una muujiyaan iney yihiin kuwa taag daran, kadiba ka mashquuliyaan faafinta dacwada.
Inta badan iclaamka reer galbeedka ayaa ahdaaf iyo dano kale oo gaar ah ka leh muujinta khilaafka ka dhexeeya ducaadda, si gaar ah kan manhajka ku saleysan, taas oo keeni karta in qofka walaalkiis ah uu kan kale ka hor yimaado, waxa ayna had iyo jeer diiradda saaraan sidii ay fitno kaga dhex abuuri lahaayeen Muslimiinta, ducaaddana isku naqdiyaan oo ay is duraan.
Tani waa midda keentay in daaciga dhiifoon iyo faqiiha dacawada laga heybeysto, islamarkaana aan lala soo aaadin qanawaadka suurad xumeynta ufuran, xittaa haddi ay iyagu soo codsadaan, maxaa yeelay hab dhaqankooda ayaa ku dhisan iney hadalka leexiyaan, islamarkaana ay udhigaan sida ay iyagu doonaan, iyagoo markaa ka leh dano gaar ah oo u adeegaya masaalixdooda ku dhisan duminka Islaamka.
Astaamaha Warbaahinta Reer galbeedka iyo kuwa fuliya Ajandayaashooda waxaa kaloo kamid ah, in ay jamaahiirta muslimiinta ka shaki galiyaan arrimaha diintooda, sida in qaar kamid ah axkaamta sharciga ah la isku khilaafsan yahay, ama xukunkooda ay udhigaan si kale, iyagoo ku been abuuranaya islaamka, kuna dhex faafinaya gaalnimada iyo bidcada, taxriifkaas ay shareecada ku badalayaan ama ay kaga been abuuranayaan ayayna kaga gol leeyihiin sidii ay udar dar galin lahaayeen qorshayaashooda cadownimada ku dhisan ee ka dhanka ah manhajka islaamka ee saafiga ah.
Boorinta in lagu baxo hogaanka Muslimiinta, Waa mid kamid ah ahdaafta ugu waaweyn ee ay xoogga saaraan warbaahinta reer-galbeedka, iyagoo ducaadda Muslimiinta ku dhiirra galiya iney ka hor yimaadaan nidaamyada islaamiga ah, waxa ayna ku dadaalaan iney ku been abuurtaan madaxda Muslimiinta kana faafiyaan daacaayaad joogta ah.
Ka been sheegidda xaqiiqada, tani ayaa iyana kamid ah astaamaha ay caanka ku yihiin warbaahintaa reer-galbeedka, iyagoo hadba fiirsada qadiyadaha u adeega qorshayaashooda ayay soo gudbiyaan taqaariir iyo tirakoobyo xaqiijiya danaha ay leeyihiin.
Tusaale waxa ay had iyo jeer ku dadaalaan ka hadalka suurtaglnimada in dagaal lagala hortago dowladaha gumeysiga ee ku habsaday dhulalka Muslimiinta iyagoo adeegsanaya been iyo dacaayaad, waxa ayna ku doonayaan sidii ay ruuxda haziimada ugu beeri lahaayeen mujtamaca islaamiga ah, cadowgooda isku dhiibaan, kana tanaasulaan taageeridda wax iska caabinta.
Waxaa sidoo kale astaamaha warbaahinta reer-galbeedka kamid ah Kicinta qowmmiyadda jaahiliyadda ah, si loo kala furfuro kayaanka muslimka ah ee mideysan, waxaana xusid mudan in warbaahinta reer-gableedka ay saameyn xooggan ku laheyd dhibatada ka dhex taagan dowldaha Masar iyo Aljeeriya, taas oo salka ku heysay kubadda cagta, oo ay kaga faa’iideysteen iney colaad ku dhex dhigaan labadaan dal ee ay Muslimiintu leeyihiin.
Waxaa kale oo ay ku dadaalaan iney manaabir siiyaan Shayaadiinta insiga, kuwaas oo mujamaca ka leexiya diintooda, islamarkaana ku dhagraya hadal macaanida, iyagoo mar ku dagaya ilbaxnimada, marna xurnimo iyo wixii lamid ah ee u adeegaya ajandayaasha reer galbeedka, ujeedada ugu weyn ee loo hirgaliyay ayaana ah in lagu duro diinta, islamarkaana ay jaranjaro unoqdaan duullaanka xagga thaqaafada ah ee lagu soo qaaday Muslimiinta.
Waxaa marar badan dhacday in warbaahinta reer-galbeedka ay xaflado usameeyeen qolooyinkaas baadiyeysan ee umaddana luminaya, iyagoo uhuwinaya libaaska cilmiga, caqliga, thaqaafada iyo hormarka, intaasna uma sameynayaan wax aan ka aheyn iyagoo haya raac u ah reer galbeedka, loona adeegsado in lagu duro islaamka.
Astaamaha ugu liita ee warbaahinta reer galbeedka waxaa kale oo kamid ah faafinta fasaadka akhlaaqiga ah, waxa ay tani ku dhiseen iney baahiyaan akhbaarta fusaqada isaga kala timaada daafaha dunida, iyagoo qurxinaya hab dhaqankooda foosha xun, islamarkaana ubixinaya magacyo ka duwan howsha ay qabanayaan ee fasaadka ah, taasi oo keentay in ay qiyamka akhlaaqeed ka dilaan mujtamaca muslimka ah, islamarkaana ku dhex faafiyaan dacaarada, goobaha fiqsiga ee iyo fasaadka ee lagu dhalan rogo dhallinta Muslimiinta.
Tusaalaha ugu cad ee arrintaan waaciyanna ah mid muuqda ayaa ah, waaqiga muruga badan ee maanta ka jira dhulka Xarameynka oo ah halka ay ku yaallaan muqaddasaadka ugu waaweyn ee Muslimiinta, kaas oo laga dhigay goob gabbaad u ah Yahuudda iyo Nasaarada, islamarkaana lagu soo dhaweeyo kuwa ugu sharta badan adduunka ee fussaaqda ah.
Marka laga soo tago fasaadkaa xargaha goostay ee uu hormuudka ka yahay maamulka Aala-Sucuud ee ka jira dhulka Xarameynka, waxa ay gaartay heer gaaladii halkaasi lagu soo dhaweeyay ee faaxishada iyo fisqiga hormuudka ka ahaa ay si calan ah u aflagaadeeyaan Allaah Subxaanahu Watacaalaa.
Maadaaba aan baranay Astaamaha Warbaahinta Reer galbeedka iyo kuwa fuliya Ajandayaashooda dhagareysan ee lagu burburinayo Islaamka, waxaa lama huraan ah in qof waliba oo Muslim ah uu kaalintiisa ka qaato duminta iyo daah ka feydidda dhagartaan sumeysan ee ay shisheeyaha iyo kuwa wakiilka ka ah ku faafinayaan mujtamaca Muslimka ah, Iclaamka islaamiga ah ayaana kaalinta ugu horreeya kaga jira dagaalkaas adag ee ka dhanka ah warbaahinta reer-galbeedka, waana masuuliyad saran qof waliba oo naga mid ah oo la doonayo inuu kaalintiisa kasoo dhalaalo.
Halkaan ka dhegeyso warbixinta