Waxaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ka dhacay banaanbax ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen darawallada kaxeeya mooto bajaajta, iyagoo ka cabanaya lacagaha xad dhaafka ah ee lagu soo rogay.
Waxay Bajaajleydu sheegeen in laga qaado lacago badan, kuwa hor lehna lagu soo rogay, sidaasoo ay tahayna ay xiranyihiin inta badan wadooyinka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Mid kamid ah bajaajleyda banaanbaxa dhigayay ayaa farriin u diray madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxmuud, oo dhawaan ku jees-jeesay dhalinyarada, wuxuuna tilmaamay in Muqdisho uu shiid kajiro.