Waxaa maalinkii labaad magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka dhacay bananabaxyo ay dhigayaan dhalinyaro careysan, oo ka cabanya dhibaatada dhaqaale ee wadanka ka jirta, iyo cadaadiska ay kala kulmayaan Dowladda Federaalka.
Dhalinyaro careysan oo u badan kuwa bajaajleyda ayaa isugu soo baxay aagga isgoyska Km4, waxaana ay ku dhawaaqayeen halkudhigyo ka dhan ah Dowladda Federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir.
Ciidamada booliiska Dowladda Federaalka ayaa rasaas la dhacay dhalinyarada banaanbaxa dhigayay, waxaana sidoo kale qalabkii warbaahineed laga qaaday wariyaal isku dayaya iney tabiyaan banaabaxa.
Shalay ayay ahayd markii magaalada Muqdisho qeybo kamid ah ay ka dhaceen banaanbaxyo looga soo horjeedo dowladda Federaalka.