Waxaa sii xoogeysanaya banaanbaxyada ka socda wadanka Nigeria oo kamid ah wadamada dhaca galbeedka Afrika, kaasoo ay dhigayaan dadweyne careysan oo kasoo horjeeda xukuumadda wadankaas.
Magaalooyin ay ku jirto Abuuja oo ah caasimadda dalka Nigeria, ayaa waxaa ka dhacaya maalmo xiriir ah banaanbaxyo ay ka qeybgalayaan dad aad u farabadan, ciidamada booliiska ayaana isku dayaya iney awood u adeegsadaan dibad baxyaasha.
Koox sheegata iney u doodo xuquuqda Aadanaha, waxay tilmaamtay in ugu yaraan 13 ruux oo kamid ah dadka bananabaxyada ka qeybgalayay ay maalmihii lasoo dhaafay toogteen ciidamada booliiska dalka Nigeria.
Dibadbaxyada ka socda dalka Nigeria, ayaa dadku waxay kaga soo horjeedaan koror ku yimid qiimaha maciishadda iyo quutul daruuriga, iyagoo sidoo kale mucaaradsan guud ahaan siyaasadda xukuumadda Abuuja.
Madaxweynaha dalka Nigeria Boolaa Axmed, ayaa ugu baaqay dadka dhigaya banaanbaxyada iney soo gebe-gebeeyaan kacdoonka, kana fogaadaan dhiig ku daata dalka, sida uu warka u dhigay.
Illaa iyo hadda ma muuqato wax isbedel ah oo ku yimid dadka banaanbaxyada dhigaya, iney soo bataan mooye, waxaana xaalku u muuqdaa mida faraha kasii baxaya, iyadoo xukuumaduna aaney diyaar u ahayn ajiibitaanka dalabka dadweynaha.