Xaalad walwal iyo cabsi ah ayaa ka jirta xarunta Xalane oo ah taliska ugu weyn ee ciidamada Shisheeyaha ku leeyihiin Soomaaliya, sidoo kalena hooy iyo xarumo u ah safaaradaha reer galbeedka ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Warqad digniin ah oo kasoo baxday Qaramada Midoobay, loona diray Shisheeyaha ku sugan xerada Xalane, ayaa looga idgay suurtogalnimada weeraro lagu soo qaado xerada Xalane, kaasoo ka yimaada dhinaca Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Digniinta amniga ee kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa tilmaameysa iney suurogal tahay in weerarka loo adeegsado diyaarad drones ah, ayna sameyn karto weerar toos ah ama ay uruurin karto xogo sirdoon, taasoo fududeyn karta in mustaqbalka weeraro culus lagu soo qaado xerada Xalane.
Warqadda loo diray shaqaalaha xerada Xalane ayaa lagu sheegay in wixii ka dambeeya 01-da Augsto oo ahayd maalintii shalay oo Khamiis ah, gaar ahaan 6-da fiidnimo bandow ay tahay xerada Xalane, dhamaan shaqaalahana laga doonayo iney taxadar amni ah la yimaadaan, bandowgan ayaana soconaya illaa iyo inta laga heleyo xogo kale oo tilmaamaya in xaalku deganyahay.
Xerada Xalane, ayaa ah halka laga hago duullaanka lagu soo qaaday Soomaaliya, waxaana xeradaas dadka galay ay tilmaamayaan iney tahay dal ka madax banaan Soomaaliya intiisa kale, ayna deganyihiin hay’ado, sirdoonno, iyo ururo dagaal iyo dirirba kula jira shacabka Soomaaliyeed, waana goobta inta badan laga soo abaabulo hagardaamooyinka ka dhanka ah umaddan, sida ay tilmaamayana aqoonyahanka, siyaasiyiinta iyo xog-ogaalka isha ku haya arimaha Soomaaliya.
Hoos ka akhri warqadda digniinta ah.