Waxaa kasii dareysa xaaladda magaalada Ceerigaabo ee uu ka arrimiyo maamulka la baxay Soomaaliland.
Waxaa magaalada ka socda barakac ay sameynayaan dadka degaanka, kadib dilal is daba joog ah oo halkaasi ka dhacay, kuwaasoo ay geysanayaan askarta maamulka Soomaaliland.
Saacadihii lasoo dhaafay waxay wararku sheegayaan in magaalada lagu dilay haween iyo wiil dhalinyaro ah.
Duqa magaalada Ceerigaabo ee maamulka Soomaaliland, Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa ka hadlay xaaladda magaalada ka jirta iyo barakaca ka socda.
Halkan ka dhagayso Xiisadda Ceerigaabo iyo hadalka gudoomiyaha.