Beeraleyda ku dhaqan degmada Doolow ee gobalka Gedo ayaa cabasho ka muujiyay, cayayaan dhibaato ku haya beerahooda.
Waxa ay sheegeen in sanandihii lasoo dhaafay oo isugu jiray abaaro iyo fatahaado ay beeruhu ku yeesheen saameyn xooggan.
Cayayaanka ayay sheegeen inuusan wax dalag ah ka tagi ee dhammaaan wixii la beeray uu dhibaateeyay.
Waxa ay sheegeen in cabasho kasta oo ay gudbiyeen aysan jirin cid soo ajiibtay, haddana ay xaaladdu mareyso iney gabi ahaanba beerashada joojiyaan.