Ugu yaraan 500 ruux oo kamid ah qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe, ayaa waxaa loo qabtay dowro diini ah oo ay ku qaateen duruus sharci ah.
Dowrada waxaa soo qaban qaabiyay maamulka Islaamiga ah ee magaalada, waxaana duruusta bixinayay qaar kamid ah culimada diinta Islaamka.
Munaasabadda lagu soo xirayay dowrada ayaa waxaa goobjoog ahaa saxaafadda, dadka ka faa’ideystay ayaana muujiyay shucuur farxadeed, iyagoo u mahad celiyay maamulka Islaamiga.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayaa maamusha dhul ballaaran oo kamid ah Soomaaliya, marka laga soo tago amniga iyo kala dambeynta ka jirta dhulka ay maamusho, waxay dadku heleen duruus la xiriirta arimaha diinta Islaamka.
Halkan ka dhagayso dadka ka faa’ideystay dowrada.