Sida ay baahisay warbaahinta rasmiga ah ee maamulka Aala-Sucuud, roobab ka da’ay gobolka Jaazaan ee dhaca galbeedka dhulka uu ka arimiyo Aala-Sucuud ayaa geystay waxyeello isuga jira dhimasho, dhaawac iyo burbur.
Ugu yaraan hal ruux ayaa dhintay, kuwa kalena waa dhaawac, kadib markii ay duntay buundo xiriirisa magaalooyinka Abuu Cariish iyo Sabyaa oo katirsan gobolka Jazaan, oo inkabadan kun kiilomter koonfur galbeed kaga beegan magaalada Ar-Riyaad ee caasimadda maamulka Aala-Sucuud.
Muuqaal uu baahiyay telefeshinka Al-Ikhbaariyah ee maamulka Aala-Sucuud, ayaa muujinaya iyadoo buundadu ay duntay, qeyb kamid ahna ku dul dhacday labo gaari oo goobta yaalay, halka la arkayo biyaha oo ku rogmaday jihooyinka buundada.