Cabdi-Raxmaan Caynte oo horey usoo noqday wasiir katirsan Dowladda Federaalka, ahna siyaasi aad ugu dhow dowladaha reer galbeedka, ayaa waraysi uu bixiyay wuxuu kaga hadlay arimo la xiriira Soomaaliya.
Marka laga hadlayo dagaalka ka dhanka ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, wuxuu Cabdi-Raxmaan Caynte tilmaamay in dagaal oo keliya aaney suuragal ahayn in looga adkaado Al-Shabaab.
Wuxuu sidoo kale Cabdi-Raxmaan Caynte daneystayaal ku tilmaamay, siyaasiyiinta Soomaalida ee xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, taasina ay keeneyso inaaney xaqiijin danta shacabka.