Magaalada Al-Qaahira ee caasimadda dalka Masar waxaa maalintii shalay ka dhacay, kulan ay isugu yimaadeen wafdi ka socda dowladda fedaraalka oo uu hogaaminayay Xasan Sheekh iyo hogaamiyaha afgamiga ee Masar C/fataax Al-Siisi.
Waxa ay labada dhinac sheegeen iney gaareen oo ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi xagga difaaca iyo amniga la xiriira, tallaabadaan ayaana kusoo aadeysa iyadoo wali taagan yahay khilaafka ka dhexeeya dowladda fedaraalka iyo xukuumadda Itoobiya ee la xiriira arrinta Badda, iyadoo Itoobiya ay ku adkeysaneyso ineysan ka baxeynin heshiiskii ay la galeen maamulka Somaliland.
Haddaba Cabdil Fataax As-Siisi, hogaamiyaha nidaamka Afgembiga dalka Masar, ma yahay qof difaaci kara Badda Soomaaliya? ku dhageyso falanqeyntaan hoose.
Halkaaan ka Dhageyso Falanqeyn- Siisi Maku Dhacaa Difaaca Badda Soomaaliya