Sida uu baahiyay wargeyska Yadiicoot Axranoot, waxaa dowladda Canada ay go’aan ku gaartay in deegaannada kujira gumeysiga Yahuudda ee Filastiin ay kasoo rarto qoysaska diblumaasiyiinta Kanadiyanka ah ee ka howlgala safaaradda Canada ku leedahay Talla’biib.
Safaaradda Canada ee Talla’biib, ayaa ku wargelisay wasaaradda arimaha dibadda ee Yahuudda, in qoysaska diblumaasiyiintooda ay maanta oo Arbaco ah kasoo guuri doonaan Talla’biib, iyagoo soo degaya dalka Urdun.
Go’aankan ayay dowladda Canada qaadatay sababo ku aadan xaalad hubanti la’aanta ah ee kajirta mandiqadda, xilli la hadal hayo in dowladda shiicada ah ee Iiraan ay suurogal tahay weerar ay ku beegsato Yahuudda.
Waxay sidoo kale dowladda Canada mustawha digniinta amni gaarsiisay halkii ugu sareysay, iyadoo uga digtay muwaadiniinteeda in sinaba ay u safraan deegaannada Filastiin ee kujira gumeysiga Yahuudda.
Canada ayaa muujisay suurtogalnimada in xaalka mandiqadda uu mar weliba isbedeli karo, taasina ay culees ka dhigi doonto in muwaadiniintooda ay soo badbaadiyaan haddii dagaal qarxo, sidaasi darteed ayay hadda u qaadatay go’aanka ay kusoo rareyso qoysaska diblumaasiyiinta ee ka jooga Talla’biib.
Si guud, waxaa deegaannada Filastiin ee ay Yahuuddu heystaan ka socdo barakac ballaaran oo ay sameynayaan Yahuudda tan iyo wixii ka dambeeyay howlgalkii Duufaanta Al-Aqsaa ee 07-da October.