Dowladda Maraykanka ayaa billad maamuus ah waxay siisay madaxa Sirdoonka Qadar, kaasoo ay sheegtay inuu kaalin wanaagsan ka qaatay xiriirka labada dal iyo waxa loogu yeero la dagaallanka Argagaxisada.
Billadan oo loogu magacdaray mid kamid ah saraakiishii sirdoonka Maraykanka oo lagu magacaabo John Tenet, ayaa waxaa la gudoonsiiyay madaxa sirdoonka dalka Qadar ninka lagu magacaabo Cabdalla bin Muxamad Al-Khaliifi.
Website-ka Axios ee kasoo baxa dalka Maraykanka, ayaa isagoo soo xiganaya ilo wareedyo muhiim ah, wuxuu sheegay in billadan uu madaxa Sirdoonka Qadar gudoonsiiyay, taliyaha Sirdoonka CIA-da Maraykanka William J.Burns.
Ilo wareedyadan xogta laga soo xigtay ayaa sheegay in madaxa sirdoonka Qadar uu billadan ku muteystay kaalinta uu ka qaatay ilaalinta amniga Maraykanka iyo masaalixdiisa gobolka, waxaana munaasabadda lagu gudoonsiiyay billada ay ka dhacday xarunta CIA-da Maraykanka.
Qadar ayaa kamid ah dowladaha aadka ugu dhow Maraykanka, waxayna kala shaqeysaa mashruuca loogu yeero la dagaallanka argagaxisada, Maraykanka ayaana Qadar ku leh saldhiga ugu weyn ee uu ku leeyahay mandiqadda loogu yeero Bariga-Dhexe.