Wararka ka imaanaya degaanka Ceelasha-biyaha ee dulaadka magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya, in askar katirsan dowladda fedaraalka ay nin ganacsade ahaa ku dileen degaankaas.
Dilkaan oo dhacay habeenkii xalay ayaa waxa ay askartu ku geysteen Yuusuf Cali Xuseen, kaas oo kamid ahaa ganactada sida weyn looga yaqaanno Ceelasha-biyaha, waxaana uu degaanka ku lahaa carwo lagu iibiyo dharka.
Laba askari oo katirsan dowladda fedaraalka ayaa usoo galay xaruntiisa ganacsi, kuwaas oo ku amaray inuu bixiyo lacag baad ah oo boqallaal dollar ah.
Balse Yuusuf oo ahaa ganacsadaha ayaaa ka biyo diiday inuu bixiyo lacagtaas baadda ah, taas oo sababtay iney rasaas ku shannaqaan isla goobtana uu ku geeriyoodo.
Dilka kadib waxaa goobta isaga baxsaday labada askari ee katirsan dowladda fedaraalka ee sida bareerka ah utoogtay ninka ganacsadaha ah.
Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda waxaa joogta ka ah, dilalka ay askarta dowladda fedaraalka ugeystaan dadka rayidka ah ee ku dhaqan halkaas, waxaana tirakoob aan baahinnay sannadkii hore ku xusnay, in askartu ay 1445-tii Hijriyada caasimadda iyo duleedkeeda ku dileen ku dhawaad 70 ruux oo rayid ah.