Degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxaa markale ka dhacay dagaal dhexmaray ciidamo kawada tirsan Dowladda Federaalka, kuwaasoo hab qabiil u abaabulan.
Ciidamadan oo waayadii u dambeysay dhowr jeer dagaallamay, ayaa isku haya lacagaha baadda ah ee ay dadka shacabka ah iyo gawaarida dadweynaha ka qaataan.
Ciidamada shisheeyaha ee ATMIS oo qeyb ka jooga magaalada Qoryooley, ayaa sheeda ka daawada dagaalka u dhexeeya labada ciidan, waxaana dagaalladan ay saameyn ku yeesheen bulshada Qoryooley.