Wararka ka imaanaya koonfurta dalka Yemen, ayaa ku waramaya in ciidamo katirsan maamulka Aala-Sucuud ee qeybta ka ah duullaanka Yemen, ay ku dhaawacmeen shil gaari.
Ciidamada dhaawacmey ee shilka galay, ayaa qeyb ka ahaa ilaalada madaxweynaha Yemen ninka lagu magacaabo Rashaad Al-Caliimi, kaasoo booqasho ku maraya qeybo kamid ah koonfurta Yemen.
Rashiid Al-Caliimi, ayaa gaaray magaalada Taciz oo ah halka uu ku dhashey, waxaana ciidanka Aala-Sucuud ee ilaalinayay la rogmaday gaari gaashaman oo ay la socdeen.
Shilka ayaa dhacay xilli wafdiga madaxweynaha xukuumadda Yemen uu ku socdaalayay wadada xiriirisa gobollada Laxaj iyo Taciz ee koonfurta dalka Yemen, waxaana askarta dhaawacantay ay tiradoodu gaareysaa illaa 2 askari.