Dagaalkan oo ahaa mid udhaxeeyay ciidamo kawada katirsan dowladda fedaraalka, ayaa shalay ka dhacay magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Wuxuu dhexmaray ciidamo katirsan kuwa maleeshiyaadka Macaawisleyda ee ku sugan degmadaasi iyo askarta dowladda fedaraalka ee lagu soo tababaray dalka Eretrea.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu daba socday, kufsi ay habeen hore Xarardheere ka geysteen ciidamada lagu soo tababaray Eretrea, kuwaasoo falka kufsiga ah kula kacay, gabar kamid ah dadka degan magaalada.
Ugu yaraan 2 askari oo uu ku jiro sarkaal ayaa ku dhintay dagaalka, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale.