Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar culus oo kamiin ah waxay ka fuliyeen qeybo kamid ah gobolka Mandera, ee kamid ah dhulka Soomaaliyeed ee ay Kenya gumeysato.
Weerarka ayaa si gaar ah kaga dhacay duleedka deegaanka Dhamase ee degmada Lafeey, halkaas oo ay ku socdlaayeen kolonyo ciidamo Kenyaati ah.
War kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaa lagu sheegay in kamiinka ay ku dileen ugu yaraan 2 askari oo Kenyaati ah, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale. Meydadka askarta Kenyaatiga ayaa looga cararay goobta.
Dhulka Soomaaliyeed ee magiciisa loo soo gaabiyo NFD, ayaa kamid ah meelaha ay sida xoogan uga howlgasho Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxayna dagaalyahannadeedu si gaar ah u beegsadaan ciidamada Kenya iyo masuuliyiinta maamulka.