Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa iska hor-imaadyo saacadihii lasoo dhaafay ciidamo kawada tirsan Dowladda Fedaraalka ku dhex maray qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.
Mid kamid ah iska hor-imaadyada dhexmaray ciidamad ayaa waxa uu ka dhacay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Iska hor-imaadka ayaa yimid kadib markii uu shaki iyo ismari waa soo kala dhex galay ciidamo katirsan Sirdoonka Dowladda Fedaraalka iyo kuwa Boolis ah, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ugu yaraan hal askari Boliska ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay dagaalkaan, halka lagu dhaawacay mid kale oo katirsanaa dharcadda Dowladda fedaraalka.
Sidoo kale xaafadda Haanta-dheer ee magaalada Muqdisho waxaa iyana ka dhacay iska hor-imaad kale oo udhexeeyay ciidamo kawada tirsan Dowladda Fedaraalka.
Inta la xaqiijiyay 2 askari oo kawada tirsan ciidankii dagaallamay ayaa ku dhaawacmay iska hor-imaadkaan.
Geesta kale askari katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa waxa uu magaalada Muqdisho ku dilay qof shacab ah.
Askariga ayaa waxa uu qofka shacabka ah ku dilay Warshadda-Caanaha ee magaalada Muqdisho, illaa iyo haddana lama oga sababta uu udilay.
Ciidamada Dowladda Fedaraalka ayaa marar badan waxa ay dad rayid ah si bareer ah ugu dileen gudaha magaalada Muqdisho, halka kuwa kalena ay ku dhinteen iska hor-imaadyada dhex mara ciidankaan.