Magaalada Talla’biib ee caasimadda maamulka Yahuudda, waxaa gelinkii dambe ee maalintii shalay ka dhacay camaliyad Nafhurnimo ah, oo geystay waxyeello kala duwan.
Qaraxan oo markii hore loo maleynayay mid miino, warbaahinta Yahuuduna warar kala duwan ka qoreen, ayaa jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Talla’biib.
Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay, halka mid kalena uu ku dhaawacmey, sirdoonka gudaha ee Yahuudda ayaana wada baaritaanno ku aadan weerarka iyo qaabka uu u dhacay.
Garabka milliteri ee Cizzudiin Al-Qassaam, ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegatay masuuliyadda camaliyadan nafhurnimada ah, waxayna sheegtay inuu qeyb ka yahay tallaabooyinka ay uga jawaabayaan gumaadka Yahuuddu ka wadaan Marinka Qazza.
Al-Qassaam waxay ku hanjabeen iney dib usoo laaban doonaan howlgallada nafhurnimada ah ee ka dhacay gudaha deegaannada Yahuudu xooga ku heystaan oo ay ku jirto magaalada Talla’biib.