Waxaa dalka Burundi uu kamid noqday dalalka uu kusii fidayo cudurka Furuqa Daanyeerada, kaasoo kasoo billowday dalka Koongada, waxaana dadka laga heley cudurkan ee ku sugan Burundi ay gaaryaaan boqollaal ruux.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka Burundi ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay, in isbitaallada caafimaadka la dhigay ugu yaraan 193 ruux oo laga heley cudurka Furuqa Daanyeerada, halkaasna lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad.
Si guud waxay wasaaradda caafimaadka ee Burundi shaaca ka qaaday in dadka uu soo ritay cudurka Furuqa Daanyeerada ay gaarayaan 231 ruux, laakiin kudhawaad 200 boqol la dhigay xarumaha caafimaadka, oo ay xaaladooda caafimaad aad u liidato.
29 degmo oo katirsna 49-ka degmo ee dalka Burundi, ayuu gaaray cudurka Furuqa Daanyeerada, taasoo ka dhigan inuu si xowli ah ku faafayo cudurka, xukuumadda Bujumbuura ayaana muujisay iney awoodeedu ka badanyihiin xaaladda caafimaad darro ee dalka ku baahday.
Hay’adda Caafimaadka adduunka ayay Burundi ka codsatay iney lasoo gaarto gurmad caafimaad, isbitaalka dhexe ee magaalada Bujumbuura ayaana la dhigay dadka ugu badan ee xanuunsan, waxaana ka jira isbitaalka xaalad adag, oo ah in xita bukaannada aan loo heli karin biyo nadiif ah oo ku filan.