HomeAll newsDab Ka Kacay Dekadda Jabuuti iyo Safaaradda Faransiiska ee Dalkaas oo Digniin...

Dab Ka Kacay Dekadda Jabuuti iyo Safaaradda Faransiiska ee Dalkaas oo Digniin Soo Saartay.

Wararka ka imaanaya magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti, ayaa ku waramaya in dab xoogan uu qabsaday qeybo kamid ah dekadda magaalada.

Dabkan ayaa ka kacay qeybta keydka ee dekadda Jabuuti, waxaana uu sameeyey qeybo kamid ah dekadda.

Kooxaha dab-damiska ayaa si deg-deg ah ku gaaray goobta, waxaana ay ku guuleysteen iney damiyaan, iyadoona maamulka dekadda uu shaaca ka qaaday inaanu dabku saameynin shaqadii ka socotay dekadda Jabuuti.

Dhinaca kale, safaaradda Faransiiska ee dalka Jabuuti ayaa soo saartay digniin amni oo ku socota muwaadiniinta Faransiiska ee ku nool dalkaas.

Safaaradda Faransiiska, ayaa usoo jeedisay muwaadiniinta Faransiiska ah iney taxadar amni la yimaadaan, kana fogaadaan iney u safraan meel ka baxsan magaalada Jabuuti ee caasimadda wadankaas.

Lama oga waxa rasmiga ah ee arinkan keenay, laakiin inta badan safaaradaha reer galbeedka ee dunida Islaamka, ayaa marka ay dareemaan halisyo amni waxay muwaadiniintooda siiyaan talooyin amni.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular