Ugu yaraan 6 ruux oo rayid ah ayaa lagu dilay, duqeyn ay diyaaradaha dowladda Turkiga ka geysteen woqooyiga dalka Maali ee dhaca galbeedka qaaradda Africa.
Ilo wareed masuul ah oo la hadlay wakaaladda wararka ee Faransiiska ayaa xaqiijiyay, in 6 ruux oo rayid ah ay ku dhinteen duqeymaha ay diyaaradaha dowladda Turkiga ka fuliyeen dalka Maali, halka masuul kale uu ciidanka Maali iyo xulafadiisa ku eedeeyay, in duqeymo ay ka geysteen dalkaas ay ku dileen 10 ruux.
Afhayeen u hadlay koox gooni ugoosad ah oo ka dhisan dalka Maali ayaa dhankiisa sheegay, in tirada dhimashada ay tahay tobannaan ruux oo rayid ah.
Waxa uu tilmaamay in duqeynta lala beegsaday, dad macdan ka qodayay xuduudda ay wadaagaan dalalka Maali iyo Aljeeriya.
Duqeyntaan ayaa kusoo aadeysa iyadoo sabtidii lasoo dhaafay weerar kamiin ah oo ka dhacay dalka Maali lagu dilay, ugu yaraan 50 kamid ah maleeshiyaadka Murtazaqada Fagnar, maxaabiis dagaalna looga qabtay.