Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa aroornimadii hore ee saaka, waxay weerar cagmarin ah ku qaadeen saldhig ay ciidamada Dowladda Federaalka ku leeyihiin deegaanka Ilbaq oo hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dagaalka oo ahaa mid culus, waxaa ugu suurogashey ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iney gebi ahaanba la wareegaan saldhiga, goobtana waxaa ka dhashey khasaare kala duwan.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay dagaalka kula wareegeen gawaari dagaal oo ay ku jiraan kuwa gaashaman.
Halkan ka dhagayso Faafaahin dagaalka Ilbaq.