Degaan hoostaga magaalada Ceerigaabo ee uu ka arrimiyo maamulka la baxay Soomaaliland ayaa laga soo sheegayaa xaalado nololeed iyo waxbarasho la’aan.
Degaankaan oo dhanka galbeed kaga beegan magaalada Ceerigaabo, ayaa waxaa dadka ku nool ay sheegeen ineysan heysan goob waxbarasho oo ay ubadku dhigtaan.
Sidoo kale waxa ay tilmaameen in degaanka ay ka jiraan xaalado kale oo xagga nolosha ah, sida biyo la’aan.