Bulshada ku dhaqan dhulka miyiga ah ee degaan ku yaalla degmada Burtinle oo katirsan gobalka Nugaal ee uu ka arrimiyo maamulka la baxay Puntland, ayaa qaati ka taagan xaalufin lagu hayo dhulka baadiyaha ah.
Waxa ay sheegeen in maleeshiyaad hubeysan oo cagafyo wata ay xaafulin ba’an ku hayaan dhulka miyiga ah.
Xilli habeennimo ah ayaa lasoo weeraray dadka degaanka, dhul lagu qiyaasay 30-KM ayayna cagaf galiyeen.
Arrintaan ayay dadka degaanka sheegeen iney dhibaato ba’an ku heyso dadka iyo duunyada, haddii aan wax laga qabanna ay iska difaaci doonaan maleeshiyaadkaas.