HomeAll newsDeymaha & Maalgashia uu Shiinuhu ka Sameynayi Africa, ma Deyn Daacadnimo...

Deymaha & Maalgashia uu Shiinuhu ka Sameynayi Africa, ma Deyn Daacadnimo Ahbaa Mise waa Gumeysi Dadban?

Iyadoo ay dowladda Shiinaha wado diyaar garowga ay ku marti gelineyso madax ka socota dalalka Afrika, oo lagu wado iney ka qeybgalaan muntadaha Shiinaha iyo Afrika ee arimaha horumarada, ayaa waxaa khubarada arimaha dhaqaalaha ka faallooda ay indhaha ku hayaan maalgashiyada Shiinaha ee qaaradan Afrika.

Diraasaad la sameeyay waayadii u dambeysay, ayaa muujinaya iney sii kordheen deymaha ay dowladda Shiinaha sineyso dalalka Afrika, taasoo la sheegay iney saameyn taban ku yeelaneyso dhaqaalaha qaaradan uu kheyraadka dhex ceegaago, laakiin gumeystuhu ka hortaaganyahay iney sida ugu wanaagsan uga faa’ideystaan.

Diraasad madax banaan oo la baahiyay Khamiistii lasoo dhaafay, ayaa muujineysa in maalqabeennada Shiinaha ay aad u fududeynayaan in deymo kaash ah siiyaan dalalka Afrika, taasoo ay la socoto fududeyn badan, sanadkii tagay ayaana Shiinaha wuxuu dalalka Afrika siiyay lacag dhan 4.6 bilyan oo dollar.

Intii u dhexeysaya sanadihii 2012-ka iyo 2018-ka, ayay dowladda Shiinaha waxay sheegtay in sanad weliba ay Afrika siineyso lacag deyn ah oo dhan 10 bilyan oo doollarka Maraykanka, waana adduun lacageed oo aad u badan, laakiin ka dhigan malab sun la mariyay.

Halkaan ka Degso Warbixin- Maalgashiga Shiinaha ee Afrika iyo Halisyada

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular