Maamulka gobalka Banaadir ayaa saacadihii lasoo dhaafay shaaciyay, kiisas ku aaddan cudurka HIV oo ay sheegeen in laga helay qaar kamid ah dadka ku nool Muqdisho oo ay ku jiraan kuwa ajaanib ah.
Balse waxaa hadalkaasi ka horyimid wasaaradda caafimaadka ee dowladda fedaraalka oo eedeyn ujeedisay maamulka gobalka Banaadir.
Cali Xaaji Aadan oo ah wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dowladda fedaraalka ayaa sheegay, aysan jirin cid xaq uleh iney shaaciso xogo caafimaadka la xiriira oo aan ka aheyn wasaaradda caafimaadka.
Waxa uu muujiyay in isbarbar yaac iyo nidaam darri ay ka dhex jirto dowladda fedaraalka, taas oo caddeyn u ah eedeyn ay dad badan horay ugu jeedin jireen dowladda fedaraalka.
Halkaan ka Dhageyso Warbixinta Hadalka Wasiirka Caafimaadka ee DF