Safiirka Dowladda Federaalka u fadhiya Golaha Ammaanka, oo maalintii shalay ka qeybgalayay kulan looga hadlayay ciidamada Shisheeyaha ee dalka jooga, ayaa eedeyn culus u jeediyay Dowladda Itoobiya, oo uu sheegay iney dalka soo gelineyso hub sharci darro ah, oo ka qeyb qaadanaya hurinta colaadda beelaha Soomaaliyeed.
Abuukar Cusmaan Baalle, oo ka hor hadlayay xubnaha Golaha Ammaanka katirsan ee shirka isugu yimid, ayaa sheegay in Itoobiya ay hub tirobadan oo sharci darro ah soo gelineyso dalka Soomaaiya, arintaasi ay ka qeyb qaadaneyso hurinta dagaallada u dhexeeya qabaa’ilka Soomaalida, sidoo kalena hubkaas ay qeyb ka heleyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
” Waxaan walwal ka qabnaa hubka badan ee sida sharci darrada ah lagu soo gelinayo dalka, kaasoo ay soo gelineyso dowlad deris ah, oo qeyb ka ah howlgalka dalka ka socda. hubka noocaas ah wuxuu halis gelinayaa amniga iyo nabadda dalka” ayuu yiri Abuukar Baalle, safiirka Dowladda Federaalka u fadhiya Golaha Ammaanka.
15-ki July ayaa magaalada Caabud-waaq ee gobolka Galgaduud, waxay dadka deegaanka ku furteen gawaari hub ku rarnaa oo ka yimid dhanka Itoobiya, waxaana ilaalinayay ciidamo katirsan Sirdoonka Dowladda Federaalka. Itoobiya iyo Dowladda Federaalka ayaa isku tuur-tuuray lahaanshaha hubkan, inkastoo sida muuqata labada dhinacba iska war hayeen.
Halkaan ka Dhageyso Faahfaahinta Eedeynta Dowladda Fedaraalka