Waxaa gabi ahaanba joogsaday dhaqdhaqaaqa dekadda magaalada Berbera ee uu ka arrimiyo maamulka ka baxay Somaliland.
Muddo todobaad ah ayuu hakad ku jiraa ganacsiga kala duwan ee dekadda magaalada Berbera.
Waxaa loo sababeynaa in maamulka Somaliland uu lacago horleh kusoo rogay bulshada.
Ganacsatada ayaa ka biyo diiday iney bixiyaan lacagahaas, taas oo keentay in gabi ahaanba ay joogsadaan howlihii ka socday dekadda.
Halkan ka dhagayso Shaqadii Dekadda Berbera oo hakad ku jirta.