Waxaa dunida maanta laga diiwaan geliyay khasaare baaxad leh oo xaga dhaqaalaha ah, kaasoo ku habsaday shirkadaha ugu waaweyn ee caalamka, gaar ahaan kuwa laga leeyahay wadamada reer galbeedka.
Waxaa si lama filaan ah u burburay dhamaan sarrifka saamiyada aduunka, halka hoos u dhicii ugu xooganaa uu ku dhacay qiimaha dahabka, qallinka iyo lacagta xiran ee loogu yeero Bitkuwiin.
Shirkadaha ugu dhaqaalaha badan ee wadamada Maryakanka iyo Jarmalka, ayaa khasaare baaxad leh la kulmay maanta, sarrifka saamiyada dalka Jarmalka ayaana laga soo calamaadeeyay hoos u dhac dhan 12% oo maalin keliya ah.
Halka lagala socdo dhaq-dhaqaaqa suuga ganacsiga adduunka ee dalka Maraykanka, ayaa maanta lasoo dhigay tilmaamo dayrin ah, taasoo saameyn ku yeelatay badi suuqyada adduunka.
Shirkadaha tiknoolajiyada Maryakanka ayaa maanta oo keliya waxaa khasaaraha gaaray lagu qiyaasay 5% illaa 9%, waxaana shirkadaha khasaaray kamid ah shirkadda Meta ee Facebook, shirkadda Google, Microsoft iyo kuwa kale. si guud suuqa saamiyada Maraykanka ayaa maanta oo keliya khasaaray 2 Tirillion oo doollar.
Burburka nidaamka caalamiga ah ee dunida ku amar taagleeya ayaa ku xiran burbru soo gaara Maraykanka, kaasoo ku imaan kara dagaallo sokeeye oo dalkan ka qarxa ama dhaqaalihiisa oo dhulka gala, waxaana haddii Maraykanku burburo ama awoodiisu aad isku dhinto, ay shaki la’aan aqoonyahannada iyo falanqeeyayaashu tilmaamayaan in nafis ay dareemi doonaan muslimiinta ku dhiban dunida, oo ay ugu horeeyaan reer Filastiin.