Dalka Ingariiska waxaa ka dhacay dibadbax xooggan oo looga soo horjeedo Islaam naceybka, kaas oo ay dhigeen dadka ku nool dalkaas.
Dibadbaxa oo ka dhacay afaafka hore ee mid kamid ah Masaajidda ku yaalla magaalada London ee caasimadda Ingariiska, ayaa waxa ay bulshadu kaga soo horjeedaan, rabshada iyo xad gudubyada ay wadaan dadka Gaalada ah ee uu Islaam naceybku ku xidideystay.
Kooxaha xagjirka ah ayaa mudooyinkii dambe waday weeraro ay ku beegsanayaan dadka Muslimiinta ah, iyagoo sidoo kale weeraro ku qaadaya Masaajidda iyo xarumaha ganacsi ee ay Muslimiintu leeyihiin.
Halkaan ka Dhageyso Faahfaahinta Dibadbaxa ka Dhacay Ingariiska