Kacdoonka ballaaran ee ka dhanka ah dowladda Kenya, ayaa markale shalay ruxay magaalada caasimadda ah ee Nairobi, halkaas oo ay isugu soo baxeen kumannaan ka mid ah Kenyaanka kacdoonka wada.
Isku soo baxyada shalay oo ahaa kuwa ballaaran ayaa yimid, kadib markii dhalinyarada hormuudka u ah dibadbaxyada socda ay 8-da Agoosto oo shalay ku beegnayd isku ballansadeen inay isugu soo baxaan bartamaha magaalada caasimadda ah.
Dibadbaxa ayaa waxaa soo qaban qaabiyay ururada dhalinyarada iyo bulshada rayidka ah, waxayna tilmaameen in uu jawaab u yahay sannado badan oo dhaqaale xumo, shaqo la’aan baahsan, iyo musuqmaasuq baahsan uu hareeyay dalka.
Kasmuel oo ah 27 sano jir, ka mida dhalinyarada horkacaysay mudaharaadka, ayaa sheegay in dhalinyaradu ka daaleen balan qaadyo waxba kama jiraan ah, ujeedka ugu wayn ee ay hadda damacsanyihiina uu yahay in uu xafiiska banneeyo William Ruto oo ah madaxweynaha Kenya.
Muuqaallo iyo sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay ciidamo ka tirsan booliska oo jidgooyooyin dhigay wadooyinka waaweyn ee soo gala magaalada caasimadda ah ee Nairobi. Kuwaas oo sidoo kale sunta dadka ka ilmaysiisa ku kala eryayay dibadbaxayaasha kacdoonka wada.
Waxyaabaha ugu badan ee ay ka cabanayaan dhalinyarada ayaa ah musuq maasuq baahsan ee dalka jira, si gaar ah waxay u dhaliilsanyihiin lacagaha ay u urursadeen golaha wasiirada ee dowladda Kenya, xilli ay jiraan bay dhaheen duruufo adag oo dhanka nolasha ah.
Wasiirada qaarkood waxay shaaciyeen inay sameeyen 400 milyan oo lacagta shiling Kenya oo u dhiganta (2.8 million) oo doollar halka qaarkoodna ay sameeyeen lacag dhan 3 million oo dollar muddo 30 sano ah, sida warbaahinta u sheegeen kacdoon wadeyaasha.
“in ka yar laba sano, qof ayaa sameeyay faa’iido raasumaal ah in ka badan 200 oo milyan (shilin). Waa maxay ganacsigan ay sameynayaan oo aynaan ogeyn?” waxaa sidaas yiri mid ka mid ah kacdoon wadeyaasha.